Home WARARKA Haweeneey Askar Ku Kufsadeen Caasimada HirShabelle Ee Jowhar Oo Weli Aan Cadaalad...

Haweeneey Askar Ku Kufsadeen Caasimada HirShabelle Ee Jowhar Oo Weli Aan Cadaalad Helin

2
0

Warar ay Heshay Baahin.com ayaa sheegaya in todobaadkii hore dhamaadkiisa Kufsi loo geystay mid ka mid ah Haweenka ku dhaqan Degmada Jowhar Ee Caasimada HirShabelle.

Bartamaha magaalada Guri ku yaalla ayaa la sheegay in Askar katirsan Ciidanka Dawlada ay Kufsigaasi ugu geysteen Haweeneydaasi oo aheyd mid dhalinyaro ah.

Lama sii faah faahin qaabka uu ku dhacay Kufsiga oo haweeneydu laga helay war ah in la xoogay oo Afar ilaa shan Askari ay isku daba mareen.

Warar ayaa sheegaya in Askari ka mid ah kuwii kufsiga geystay la xiray balse lasii daayey Saacado uu xirnaa kadib,iyadoo Qoyska ay Haweeneyda Dhibanaha ah aysan helin wax cadaalad ah sida ay warka udhigeen.

Xaafada ay wax ka dhaceen ayaa dadka deggan waxay sheegeen in is faham waa uu jiray sida xogta ku heleen markii howlgalkaasi kufsiga lagu guda jiray.

Taliska Booliska Degmada Jowhar ayaan weli ka hadlin falkaasi Kufsi ee Maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Jowhar waxaana kufsiga uu ka dhacay meel wax yar u jirta Xarunta Nabad sugida ku shaqeyso Ee Degmada Jowhar.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here