HALIS WEYN: Reer Muqdisho Oo Cabsi Weyn Soo Food Saartay & Dad Sariiraha La Yaalla Xanuun Ay Ka Qaadeen…

Maalmihii Lasoo Dhaafay Dad Kala duwan oo Udabaal tegay Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho waxa ay ka cabanayeen Isbadel Caafimaad oo jir ahaan ku dhacay.

Qaarkood ayaa Nabaro yar yar ay jirkooda kasoo baxeen,qaarkood waxa wejiga iyo Qeybaha Jirkooda ugu muhiimsan ku sawirmay Calaamado Gaduudan.

Dhaqaatiir dhinaca Maqaarka ah oo la geeyey ma aysan sheegin cudurka waxaase ay dadkaan Bukaan Socodka noqday ay eedsanayaan Dabaasha Badda ay Aadeen.

Mid ka mid ah Dadkii isku arkay xanuunkaan ayaa aheyd Gabar yar oo Wejiga iyo Gacmaha ka yeelatay sumad jirka ka yeelatay.

Warar ayaa sheegaya in Sun lagu soo daadiyey Badweynta Hindiya ay dadka Ku faaftay jirkooda oo Xanuunkaasna ka qaadeen.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka Dalka oo ay kaga hadlayaan Arintaan soo korortay Ee Dadka Dabaasha Kasoo qaaday Xanuunkaan aan la aqoonsan waxa uu yahay.

Boqolaal Qof ayaa tega Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha Dabaal ahaan Xeebta Liido,Ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here