Halis Cusub:Carruurta Oo Loo Adeegsado In lagu dilo Cabitaan Aad Looga Isticmaalo Soomaaliya

Sida uu daabacay Wargeys kasoo baxa Dalka Ingiriiska ayaa muujineysa in carruur badan dilkooda loo adeegsaday Cabitaan aad Soomaaliya looga isticmaalo.

Si gaar ah warbixinta ayaa tooshka loogu bukaaciyey in Ciyaalka markii loo waayo caano ay cabaan ama ku dhasha sida aan saxda aheyn Ee Guurka ayey Hooyooyin badan adeegsadaan dilkooda qaab lama filaan ah.

Waxay siiyaan booska caanaha cabitaanka Cococolada,taas oo maalmo gudaheen cunuga uu udhimanayo.

Wargeyska ayaa soo xiganaya qashin qaade Kenyaan ah oo muddo Sanado ah howshaasi kusoo jiray oo sheegay in Sanad keliya uu arkay 15 Ciyaal ah oo qashinka lagu dhex tuuray markii ay dhinteen.

Hay’ad udooda Xuquuqda Carruurta oo Kenya fadhigeedu tahay ayaa xubin katirsan waxay xaqiijiyeen inay baaritaan ay wadaan weli balse ay si hordhac ah ku ogaadeen arintaas.

Dawlada Kenya ayaa waxa dadka Baararka tega Ee Jirkooda ka ganacsada waxay mamnuucday,waddooyinka ayey habeenkii Gabdho aad u da’yar istaagaan si ay lacag uga sameeyaan galmo sharci daro ah,cunuga ku dhasha galmadaas ayeyna Hooyooyinkaas iska soo tuuraan marka ay cococolada ku dilaan sida warbixinta lagu ogaaday.