Hal qodob oo doorashada soo socoto ay kaga duwanaan doonto tii 2016-kii, iyo msuahara guusha heli kara

Musharaxa Madaxweynaha ee aan hadda ku fikireyn inuu soo saarto Xildhibaannada ee aaminsan hadhow marka doorashada soo dhowaato aad codkiisa iibsaneysaa Musharaxaas wuxuu ku jiraa riyo! Waayo nin Xildhibaan noqon raba oo aad hadda taageerin ugu yaraan diiwaan gelinta lacagta Musharaxnimo ama kulamada uu isku sharaxayo ka bixin codkaas 100% iskuma haleyn kartid, maxaa yeelay waxaa cod ka raadisay nin codkiisa meel u qorsheeyay kooxi ay soo saaratay.

Tusaale doorashadii 2016 ee Xildhibaannada dad kala duwan ayaa aaminsan in Farmaajo aanu Xildhibaano soo saaranin, markii bahasha soo dhawaatay inuu olole bilaabay oo Slogan-kii Anti Itoobiya ku soo ardo galay, balse taas bedelkeed olole uu muddo Nairobi ka waday, dad uu xildhibaannimo ka taageeray oo la ogyahay in sahaydii ay ku galeen siiyay, qaarkii si iskood u soo baxay taleefan ugu hambalyeynayay si uu maankooda u dego, intaas ayuu ku soo bilaabay ololihiisa doorasho iyo damaciisa kursiga.

Rag saaxibo ah oo aan saaka isla qaxweynay ayaa isla falanqeynayay doorashada soo socota iyo wajiga ay yeelan doonto, qaar ayaa igula dooday in Farmaajo markii la dooranayay inuu dig iska soo yiri oo Weji cusub uu ahaa, sidaas si la mid ah doorashadan 2021 uu imaan doono nin weji cusub ah.

Laakiin taa cagsigeeda waxaan u sheegay in Farmaajo aanu weji cusub aheyn oo uu horay Ra’iisul Wasaare soo noqday, doorasho soo galay, sidaas oo ay tahay iskama imaan Team ayuu watay kuwa qarsoon iyo kuwa muuqday oo xilal hayay qaar Wasiiro, qaar Safiiro iyo kuwa kale.

Doorashadan 2021 qof la yaqaan ayaa imaan doona, waxayna doorashooyinkii hore uga duwanaan doontaa xoogag siyaasadeed oo dalka gudihiisa ah ayaa lookanka ugu weyn ka dhaxeyn doonaa, waxaana aas aas u noqon doona (Networking iyo Alliance)

W/Q: Cabdicasiis Xasan Maxamed