“Hadalkiisii ugu dambeeyey wuxuu ahaa hooyo hadaan kula soo hadli waayo waan dhintay”

Hooyadan Soomaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in wiilkeeda aysan nolol iyo geeri midna ku ogayn kaddib markii uu ku biiray dagaalamayaasha Suuriya.

Wiilkan ayaa waxa uu ku noolan jiray dalka Ingiriiska.

Hooyadan oo codsatay inaanan magaceeda la shaacinin ayaa sheegtay in wiilkeeda oo ahaa 22 sano jir uu dhiganayey Jaamacad ku taala London balse laga kaxaystay magaalada London sannadkii 2014-kii ,kaasi oo la geeyey dalka Suuriya si uu halkaasi uga dagaalamo.

“Wuxuu wiilkayga maqanyahay muddo shan sano ah, waxaan ka mid ahay waalidiinta ay carruurtooda ka maqantahay oo ay ka aadeen Suuriya, tuhunkayga waxaa weeye in laga kaxaystay magaalada London.” Ayey tiri.

Haweenaydan waxa ay sheegtay inay xiriir la samayn jirtay wiilkeeda oo uu soo wici jiray.

“Xiriirkeena wuu wanaagsanaa ka hor intaan la wareerin magaaladii uu ku noola bishii saddexaad, markii uu ila soo xiriiray waxa uu igu yiri ‘hooyo haddii aad hadalkayga weydid misa waan dhintay ama waa la I qabtay waxaan ku tuhunsahay in nimanka Kurdiyiinta uu gacanta ugu jiro’ ” Ayey tiri.

“Anaga oo waalidiin badan ah oo ay ilma naga maqanyihiin ayaa shalay waxa isu tagnay magaalada Brussels, halkaas oo aan kula kulannay safiirka Soomaaliya ee Belgium, kaddib kulankii safiirka, waxa uu noo sheegay in carruurta iyo xaasaskooda ay dowladda Soomaaliya ugu jirto dadaal ay ugu tagayso ayna ku soo qaadayso, sida aan maqalnay xeryaha ay ku jiraan carruurta iyo xaasaskaba ma haystaan daryeel, halkaas oo ay ku wajahayaan xaalad bini’aadanimo.” Ayey tiri haweenaydan oo diiday in magaceeda la sheego.

Source BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here