Habar Gidir Oo Si Kulul Uga Hadashay Baaqii Farmaajo Ugu Yeeray Madaxda Galmudug & Xog Ay Bixiyeen

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu iskugu yeeray Madaxda Galmudug inay Muqdisho deg deg u yimaadaan.

Shir dhacaya 24 Bishaan oo Isniinta ku asteysan ayaa Villa Somaliya lagu Casuumay inay Hogaanka Galmudug soo xaadiraan.

Waxa Dawlada Soomaaliya sheegtay in Shirkani looga Arinsan doono dhameynta Xiisada Siyaasadeed Ee Madaxda Galmudug ka dhex Aloosan.

Hadaba Arintaas waxa shirka loo qabanayo Hogaanka Galmudug Soo dhaweeyey Waxgaradka kasoo jeeda Deegaanadaasi.

Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo Odayaasha ugu caansan Beesha Habar Gidir ayaa isagoo jooga Muqdisho waxa uu si cad u sheegay in Carabeey iyo Cali Gacal yihiin Caqabada Galmudug hortaagan.

Waxa uu Mr Rooble sheegay in Xilka qaadistii lagu sameeyey ay sharci la tahay Labadaasi nin Ee Cadaado Saldhiga ka dhigtay,kana codsaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu La xisaabtamo Raggaan ay RW Kheyre iyo Farmaajo isku heyb la yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here