Guux xoogan oo laga dareemayo gobolada ay degto Beesha Hawiye xili xiisad siyaasadeed jirto

Kadib dhacdadii lagula kacay Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa guux xoogan laga soo warinayaan degaanada Beesha Hawiye.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in falcelinta ay tahay mid aad u kala duwan, isla markaana dadku fekerado kala gedisan haystaan.

Shaqsiyaadka qaarkii waxay sheegayaan in ay tahay wax laga xumaado, halka kuwa kalena ay taageero u muujiyeen.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka ayaa carqalad waxaa la geliyey socdaal ay ku tegi lahaayeen Beledwayne, wallow kolkii dambe loo fasaxay.

Xukuumadda ayaa ku doodey in ay tani salka ku hayso mushkilado uu qabay madaarka Beledwayne. Wafdiga ayaa gargaar gaarsiiyey magaaladda.