Guushii Farmaajo kadib is bedel lama filaan ah oo Dalka ku soo kordhay

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho iyo Qaar ka mid ah Magaalooyinka Gobolada Dalka ayaa waxaa ay sheegayaan in Sarifka lacagata Doolarka laga dareemayo Hoos u dhac balaaran.

Magaalada Muqdisho Waxaa la sarifayaa 1-ka Doolar 19-20 kun oo shilinka Soomaali ah halka Magaalooyinka Kale ee dalka qaar la sarifayo 15 ilaa 18 kun oo shiling.

Suuqyada Magaalooyinka Afgooye,Jowhar ,Baydhabo, kismaayo iyo Baladweyn ayaa sidoo kale laga dareemayaa Qiiymo dhaca ku yimid Sarifka lacagta Doolarka.

Sanadihii u dambeeyay Sarifka Lacagta Doolarka ayaa Magaalada Muqdihso iyo qeybo ka mid ah Gobolada dalka waxaa ay ka mareysay 24 ilaa 23 kun oo Shilinka Soomaaliga.

Lama oga ilaa iminka Waxa qiymo dhaca u keenay Sarifka lacagaha Doolarka oo Maanta suuqyada Dalka lagu sarifayo 18-ilaa lacag dhan 20 kun oo shiling.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)