GUURKII KENYA OO LA SIYAASADEEYAY: Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo arin yaab ku abuurtay dhalinyarada kaga dhawaqay Nyamira

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa xili uu booqanayay Koontiga Nyamira waxaa uu uga digay haweenka iney guursadaam nin aanan iska diiwaan gelin inuu ka qeyb galo codeynta doorashada 2017-da.

Hadalkan uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaana si weyn uqabsatay bogga arimaha bulshada sida Facebook

“Waxaa koontiga  Nyamira ku sugan gabdho qurux badan, waxaana dooneynaa inaan arimahaan usheego, hadii nin aanan ka qeyb galeyn codeynta uu kuu soo bandhigo inuu ku guursado waa inaad ka diidaa”ayuu yiri Ruto,

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweyne ku xigeenka Kenya yiri “Hadii Nin uu ku weydiisto inaad guursato weydii inuu ku tuso kaarka codeynta, hadii kale iska ceyri,”.

Hagaag, waxaa ay umuuqataa in cabsi badan aysoo wajaheyso raga isku diyaarinaya iney gabadha guursadaan Kenya.

Laakiin arintan oo si weyn ay dhalinyarada uga doodeen Facebook-ka ayaa waxaa ay ku qosleen hadalka kasoo baxay masuulkan katirsan xisbiga talada haya ee Kenya:


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)