Home WARARKA Gudoomiye Horey oo Qirtay in Ciidamadiisa Si Bareer ah ay u Dileen...

Gudoomiye Horey oo Qirtay in Ciidamadiisa Si Bareer ah ay u Dileen Dad Shacab ahaa

1
0

//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci ayaa ka warbixiyay Shil uu ku lug lahaa oo ka dhacay Wadada Makka Al Mukarrama.

Mudane Axmed Daaci ayaa sheegay in Gaari lagu hor jaray Gaari uu la socday islamarkaana Rasaas ay fureen  ilaaladiisa 2 qof ay ku dhaawacmeen.

“ Ma aqaan sey  wax ka noqdeene ma darawalnimadaa ku cusbeede si la yaab leh ayuu Gaariga noogu hor gooyay” ayuu yiri Axmed Daaci.

Dhinaca kale Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ayaa ugu baaqay Dowladda cusub in Safaaradaha degan Waddooyinka dhinacooda ee Dhagxaanta ku jaray Waddooyinkaas laga qaado gebi ahaan jid gooyooyinkaas.

Si kastaba waxaa saameyn xoogan ku leh dhaq dhaqaaqa Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho sida Arrimahooda Ganacsi iyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka xirnaashaha Waddooyinka qaar.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here