Gudoomiye Beyle oo ka hadlay sabata loo joojiyay Doodii Musharaxiinta xil doonka ah

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha  C/raxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in maanta dalka oo dhan ay ka jirtay cilad xagga Internetka ah , taasoo aan suurta gelin in dooda Toos loo daawado.

Waxaa uu sidoo kale xusay in gabi ahaanba la joojiyay doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya.

Arintaan ayaa imaanaysa xilli Maanta in ka badan 12 Musharax ay iskaga baxeen dooda, islamarkaana ay sheegeen in aysan aheyn mid si sax ah loo baahinaayo.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 24 musharax , waxaana lagu waday in 12 ka mid ah ay maanta gelinka hore ay doodaan.

12 Musharax ayaa maanta diiday in ay ka qeyb galaan dood wadaag ka dib markii ay sheegeen in xubno ka tirsan dowladda ay doonayaan in dooda ay noqoto mid qarsoodi ah oo warbaahinta madax banaan aysan ka qeyb galin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)