Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Soomaaliya oo Farqaha ku Dhegan Garsoorayaal Caan Ah

Waxaa Inta badan Cabasho dadku ka muujiyeen Qaabka loo kala gar qaado Dacwadaha xilliyada ay Garsoorka udoontaan Cadaalad iyadoo Musuq iyo Cadaalad daro la sheegay inay jirto.

Qaar ka mid ah dadka Xukunada ku dhacay waxay sheegeen in si khaldan loo maray Xukunadooda cid ay ka dacwoodaan iyo cid ay udacwoodaana ay aqoon waayeen.

Garsoorka Dalka intiisa badan waa caada qaatayaal dadka dhibaato uhorseeda meeshii xaqa ay ku hagaajin lahaayeen iyo Xukun waafaqsan Shareecada Islaamka.

Qofka La dacweeyey ayaa xitaa hadii uu dembi ku jiro waxa ku filan in Lacag Kumanaan Dollar Miiska Saaro taasi oo keeni karta in qofkii dacwad oogaha ahaa laga dhigo Dembiilaha Khaladka galay.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka Abuukaato Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa ka sheegay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo tababar dhinaca Sharciga loogu soo xirayey qaar ka mid ah Garsoorayaasha Dalka waxa uu ku baaqay in isbadel lagu sameeyo qaabka shaqada.

Waxa uu dhaliilay Xukunada sida loo fuliyo iyadoona uu wacad ku maray in hufnaan shaqo iyo daacadnimo u adeeg hadii la waayo Garsoorayaasha Dalka la badeli doono oo isbadelka dalka ka dhacay Hogaankiisa iyagana uu saameyn doono.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)