Gudiga Doorashada Madaxa Banaan Oo Go’aan Ka Gaareysa Kuraas Banaan Oo Muran Ka Jiro

Gudiga Doorashada Madaxa Banaan Ee Dalka Soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameyn doona Go’aanka kasoo Baxay Maxkamada Sare Ee Dalka dib ugu dhigtay Kuraas ka banaan Dawlada gaar ahaan Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Waxaa la filayey inay Doorasho ka dhacdo Deegaan ahaan Hirshabelle,Galmudug iyo jubbaland kuwasi oo dib loogu soo dooranayo Xildhibaanada umeteli doono deegaanadaasi.

Qaarkood ayaa Xildhibaanadii ku magacaabnaa ka dhinteen kuwo kalena inta xil loo magacaabay ayey xilka sidaas ku waayeen oo mar kale ayey doonayaan inay soo laabtaan.

Tusaale ahaan Hirshabelle Deegaan doorashadeeda waxa kursiga ka banaan raadinaya C/llaahi Sambalolshe oo markii Taliyaha NISA qabtay Xilkeeda uu waayey Xasaanadii Xildhibaanimo.

Sidoo kale Jubbaland waxaa isna laga soo dooran doonaa Badelka Kursigii uu ka baxay Ex Wasiir Cabaas Siraajir oo 8 bil ka hor ku dhintay toogasho ka dhacday Muqdisho.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Madaxa Banaan Ee Dalka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo howlo shaqo hadda ujoogta Dhuuso mareeb ayaa sheegtay in go’aan kasoo gaari doonaan dib usoo doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka.

Shalay Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira ayaa ugu baaqay Gudiga Doorashada Madaxa Banaan Ee Dalka Soomaaliya inay soo iclaamiyaan doorashadaasi xildhibaanimo xilliga la qabanayo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay