Guddoomiye Jawaari oo la taliyihiisa u magacaabay Xiriiriyaha Doodda Musharaxiinta (Sidee ku dhacday?)

Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa la-taliyihiisa u magacaabay inuu noqdo xiriiriyaha Dooda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kadib markii si weyn la isugu khilaafay arrimaha kala ah:

1. Cidda hogaamineysa Doodda
2. Halka lagu qabanayo
3. Warbaahinta laga sii deynayo

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha marka laga reebo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid ayaa dacwad ka keenay qaabka doorashada iyo cidda qabaneysa iyagoo diiday inuu dooda musharaxiiinta xiriiriye ka noqdo weriyaha caanka ah C/raxmaan Yuusuf Al-cadaala oo hadda ah agaasimaha SONNA.

Dhowr saxafi oo lasoo bandhigay ayaa la isku maandhaafay, waxaana markii danbe ay si hoose ugu soo jeediyeen musharixiinta inuu magacaabo Prof. Qaadi oo ahaa la-taliyihiisa, dhowaanna ku guuldareysay inuu xildhibaan noqdo markii uu u tartamay kursi ka mida kuwa Gobollada Waqooyi.

Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inuu nugul yahay isla markaana aqlabay cadaadis badan oo ay saareen musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)