Guddi Doorashada Mise Guddi Xulis?

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Yarey ayaa sheegtay in Guddiga Xukuumadda ay xareysay uusan ahayn Mid Doorasho balse uu yahay Guddiga Xulashada dadban, maadaama howsha uu qabanayo ay u baahan tahay in la saxo.

“Horta Magaca Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka waa la isku heystaa oo Guddi dadban inta la sameeyay ayaa waxaa la leeyahay Guddoomiyaha Doorashada waxa uu yiri, haddaba waa idiin sheegaa waa Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban waliba Doorasho ma ahan ee waa xulashada dadban, Xulashada ayaa kala dadban, waa xulasho dadban oo meel ay u socota aan la aqoon, Marka arrintaas hala saxo” Xaliimo Yarey.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannan ee Doorashooyinka Dalka ayaa dhanka kale sheegtay in aysan jirin Hay’addii u xilsaarneed ilaalinta Dastuurka, dastuurka oo aan la qabyo tirin ay caqabad ku yihiin wax ka qabashada khilaafaadka & ciddii wax ka qaban lahayd.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Yarey waxa ay soo jeedisay in qadarin uu u baahan yahay Dastuurka oo muddo lagu soo meel maray, balse waxa ay farta ku tilmaamtay in aan laga maarmin dhismaha Hay’adda qaadaneysa mas’uuliyadda oo kala qabaneysa marka uu muran yimaado.

“Dastuurka Dalka waa qabyo balse waa in sidaas lagu qadariyaa, haddii aan la ilaalineen waxa uu leeyahay horay uma soconeyno, hay’addii inoo ilaalin lahayd dastuurka ma jirto, Haykalkii kala hagi lahaa ee wax kala qaban lahaa haddii la waayo Soomaaliya meel uma socota, mindi mindi ku taag ayaa lagu jiraa haddii aan heysan wax aan heshiis ku nahay” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Waa ay sii hadashay Xaliimo Yarey waxa ay tiri “Dowlad Goboleedyada Dastuur ayay heystaan oo ay ku dhaqmayaan waana ku saxan yihiin, waxaa jira Dastuur Qaran ma is leeyihiin labada Dastuur, qoloba meel ayay u socotaa, haddii aan meel wax wada dhigan, meeshaas ciddii inoo ilaalin lahayd aan wada sameysan, waxa aan ku jirnaa waa been, qalad & Dambi, oday in uu wax xulo, anigaa kursigaan iska leh in la ii xiro waaye, waxa loo dagaalaa ee loo socdaa ma ahan in Kursigaas Ummada la dhigo ee waa in gooni la isku lahaysiiyo”.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey ayaa soo jeedisay in la sameeyo Hay’adda ilaalisa dastuurka si meesha looga saaro is qabqabsiga jira oo aysan jirin meel lala aado & ciddii awoodda u lahayd in ay xaliso.