Gud.G/Bari “Daacish Ciidan Daraawiish Ah ayey Gowraceen”+Maqal

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bari Yuusuf Mohamed Wacys “Dhedo” oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Boosaaso ayuu faah faahin ka bixiyey weerar xalay lagu qaaday Koontarool Ciidanka Dawlada kusugnaayeen.

Yuusuf Dhedo ayaa sheegay inay iska difaaceen kooxdii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday isagoo sheegay in labo Askari dhinteen labo kalena ay dhaawacmeen.

Waxa uu ugu baaqay Shacabka inay kala shaqeeyaan Laamaha Amniga islamarkaana looga hortego Amniga qolyaha Nabad gelyada xumeenaya sida uu warka udhigay.

Gudoomiye Dhedo ayaa sheegay inay Kaalmo shidaal ay weerarka Xalay ku qaadeen Kooxdaasi Hubeysan isagoo sheegay in Qalab ay ka tageen kooxdaasi ay gacanta kusoo dhigeen.

Yuusuf Dhedo ayaa sheegay inay dadka ay tuhmayaan Al Shabaab ama Daacish la shaqeeya ay xiri doonaan isagoo shaaca ka dhigay in Amniga ka shaqeyn doonaan.

Waxa uu Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bari uu Xaqiijiyey in Labo Cisho ka hor Meydkooda dadkii laga Helay Tuulada Karin ay Ahaayeen Ciidan katirsanaa Daraawiishta Puntland.

Waxa uu sheegay in meydka Labadaasi Askari Ee daacish Qoorta ka jareen la aasi doono islamarkaana sheegay in tiro kale ay gacanta ugu jiraan.

Maamulka Gobolka Bari waxey sidoo kale digniin udireen dadka Hubka ku dhex qaata Magaaladaasi inaysan Maqribkii kadib hub la dhex marin karin Askariga Hubka watana uu noqon doono kaliya mid Howlgal Amni sameenaya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)