Goormee dhaceysaa munaabadda xil-wareejinta Xasan Sheekh & Caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo?

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda qaban qaabada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Arbacdii 8-da bishan la doortay.

Guddi arrintan loo saaray ayaa wada diyaarinta xaflada iyo xil wareejinta oo la qorsheeyey in Arbacadda la qabto, iyadoo lagu casuumay mas’uuliyiin madax caalami ah.

Guddigan oo uu hormuud u yahay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa wada qabanqaabada xafladda xil wareejinta, waxaana isla maalintaas lagu wadaa inuu Madaxwene Farmaajo u guuro Villa Somalia.

Farmaajo oo lagu dhaariyay isla fadhigii baarlamaanka ee lagu doortay ayaa hadda fariisin ka dhigtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqidsho oo si kumeelgaar ah uu ugu shaqeeyo, kaasoo culeys weyn ku keentay Hotelka gaarka loo leeyahay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)