Home WARARKA Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Galabta Go’aan Deg Deg Ah Kasoo Saaray Doorashadii...

Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Galabta Go’aan Deg Deg Ah Kasoo Saaray Doorashadii S/Land

3
0

Kulan Golaha Wasiirada Soomaaliya ku yeesheen Maanta Magaalada Muqdisho ayey kaga hadleen Xaaladihii ugu dambeeyey Ee Dalka.

Shirkaasi waxaa kusugnaa inta badan Golaha Wasiirada waxaana looga hadlay Doorshadii shalay ka dhacday Deegaanada Maamulka Soomaaliland.

Wasiirka Maaliyada Somaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay kulanka isagoo hor geeyey Miisaaniyada Dawlada Ee 2018-ka.

Waxa uu sheegay Wasiir Beyle inuu ka rajeenayo inay falan qeyn dheer kadib ay meel marin doonaan Wasiirada la hor geeyey maanta Miisaaniyada Dawlada Ee sanadka soo socota.

Dhinaca kaleĀ Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay soo dhaweysay doorashadii ka dhacday Soomaaliland isamarkaana ay bogaadinayaa sidii ay dadka codkooda udhiibteen.

Dawlada Soomaaliya ayaa amaantay qaabka ay doorashada ay Nabad gelyada udhacday iyo Madaxweyne la sugayo in lagu dhawaaqo natiijada lagana rajeenayo mid hormarka gaarsiiya dadkaasi.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here