Go’aan jirid goyn kara Masjidka Towfiiq ee lagu muransanaa oo hawada ku jira

Sida lagu faafiyay TV-ga NRK ee dalkaasi Norway, ururka Towfiq Islamiska Centeret ayaa qarka u saaran in gebi ahaanba la baabi’iyo.

Ururkan ayaa ah midka gacanta ku haya Masjidka Towfiiq ee ugu wayn magaalada Oslo, kaasoo la xirey qarkana u saaran inaan dib dambe loo furin.

Go’aankan ayaa lagu wadaa in lagu dhaqaaqo muddo 5 todobaad gudihiis, waxayna meesha ka saari kartaa gebi ahaanba masjidka Towfiiq.