Geerida Yariisow ka dib, Waa sidee Xaaladda Caafimaad dhaawacyadii loo qaaday Qatar?

12 ruux oo ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la geeyay Isbitaal ku yaalla dalka Qatar,waxaana geeriyooday laba ka mid ah dadkaasi oo uu ka mid ahaay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow balse dhaawicii u geeriyooday.

10 ka kale eek u haray Isbitaalka ayaa safiirka Soomaliya ee dalka Qatar uu sheegay in mid ka mid ah Isbitaalka laga bixiyay, kadib markii xaaladiisa ay hagaagtay halka 9 kale oo ay ku jirto Guddoomiyihii degmada Wartanabada ay weli isbitaalka ku jiraan.

Amb, C/risaaq Faarax Cali (Taano) ayaa sheegay in xaaladooda dhaawacyada ay soo hagaageyso,isla markaana uu rajeynayo in dhawaan Isbitaalka laga soo saaro.

Dadkaan ayaa ku dhaawacmay Qarax 24-ka bishii Luulyo ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir,halkaasi oo ay ku shirayeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here