Galmudug & Dawlada Soomaaliya Oo Muddo Kadib Midoobay,Dagaalka Gaalkacyo & Xog Cusub Oo La Helay

Ciidamada Galmudug iyo kuwa Danab ayaa waxay wadajir ula dagaalameen Saaka weerarkii Al Shabaab xubno katirsan ku Qaadeen Xarun uu lahaa Wadaad la yiraahdo C/weli Cali Cilmi Yare.

Saraakiil katirsan Ciidamada Amniga Galmudug oo jooga Gaalkacyo waxay sheegeen in Seddex Nin oo Al Shabaab ah ay qaraxyada ismiidaaminta kadib gudaha ugaleen Xarunta mudana ay dagaalamayeen.

Galmudug ayaa sheegtay in Qaarkood Dableyda Hubeysneyd la toogtay balse weli Xarunta ay ku jiraan Qaar dagaalamaya oo weli nool.

Waxaa la maqlayaa Rasaas kasoo dhaceysa Xarunta xilli ciidamada dawlada iyo kuwa Galmudug ay banaanka Xarunta ka dagaalamayaan.

Al Shabaab oo sheegtay weerarkani waxay tibaaxeen in Qasdigii ay lahaayeen la gaaray maadaama la dilay C/weli Cilmi Yare oo ahaa sida ay sheegeen nin Nabinimo Sheegtay.

Dad deegaanka ah ayaa inoo xaqiijyey in weli rasaas ay dhaceyso oo howlgalka uusan soo dhamaan,xilli Laamaha Amniga Galmudug ay sheegeen in xaalada sidii hore ay ka deggan tahay.

Waxa Saaka Dagaalkani uu mideeyey Dawlada Dhexe iyo Galmudug oo Xurguf siyaasadeed ka dhex jirtay kuna aadaneyd muranka Maamul Gobolleedyada iyo Dawlada Federaalka.

Ciidamada Dawlada Ee Danab ayaa si hagar la’aan ah ucaawiyey Kuwa Galmudug Saaka kadib Dagaalkii Xooganaa Ee Xarunta Wadaadka C.weli Cilmi Yare ay Shabaab ku qaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here