Gabdho Ay Shabaab Afduub uheysteen oo Kumanaan Dollar Lagu Sii Daayey G/Hiiraan

Sida lagu helay Xogta waxaa Ururka Al Shabaab ay sii daayeen Labo Gabdhood oo Ay afduub uheysteen In Muddo ah Qeybo ka mid Gobolka Hiiraan.

Shabaab ayaa Labo bil gacanta ku hayey Gabdhahaan oo Howlo Samafal ka waday Gobolka Hiiraan ayaa Axadii Todobaadkaan Dib xoriyadooda Helay.

Mid ka mid ah Gabdhaha ay Shabaab sii daayeen oo B/weyne gaartay ayaa Aabaheed oo diiday in Magaciisa Amni ahaan in la xigto  diiday uu sheegay in Lacag gaareyso 13 Kun Dollar bixiyeen oo madax furasho aheyd.

Ururka Al Shabaab ayaan aheyn markii ugu horeysay oo ay afduubtaan Shaqaale Samfal kadibna Lacag Madax fursho ka qaataan,Shalay ayaa ugu dambeysay markii lix Qof oo NGO ka howlgalayey ka qafaasheen Meel udhaw Magaalada Baydhabo oo ilaa hadda la ogeyn meel ay la aadeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)