Gabdho ay qoyskooda dileen kaddib markii lagu dhex arkay muuqaal baraha bulshada ku baahay

laba gabdhood oo da’yar ayaa waxaa dilay qoyskooda kaddib markii lagu arkay muuqaal lagu baahiyay barta internet-ka.
Waxaa la sheegay in gabdhaha uu toogtay qof ka tirsan qoyskooda bartamihii toddobaadkan, waxayna toogashada ka dhacaday waqooyiga iyo koonfurta Waziristan ee dalkaasi Pakistan.

Dilka ayaa dhacay kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal gaaban oo ay gabdhaha iyo wiil kuwada jireen. Sida ay booliska sheegeen.
Haataan booliska ayaa waxaa loo diray tuulada gabdhaha lagu dilay si ay dhacdada u baaraan.
Waxa la sheegay in sababta ka dambeysa dilkaasi labada gabdhood oo ay da’doodu ahayd 16 iyo 18 sano jir la aaminsan yahay muuqaal ay kuwada jireen nin da’yar iyo labada gabdhood ee la dilay iyo gabdh kale oo baraha bulshada ku baahay.
Waxay u muuqataa in muuqaalka la duubay ku dhowaad sannad ka hor waxayna u badan tahay in baraha bulshada uu ku baahay toddobaadyo ka hor, sida uu sarkaal sare oo booliska ka tirsan u sheegay warbaahinta.
”Muhiimadeena waa inaanu badbaadinaa nolosha gabadha 3-aad iyo ninka, ka hor inta aysan tallaabo ka qaadin,” ayuu yiri sarkaalka
Hay’adda xuquul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegeysa in tacaddiyada ka dhanka dumarka iyo gabdhaha da’da yar ay yihiin dhibaatooyin ka jira Pakistan.
Waxaana la aaminsan yahay in ilaa 1,000 ay gaarayaan dilalka loo geysto gabdhaha sannadka walba.