Gabar soomaaliyeed oo internetka lagu “foorjeeyay” kaddib hab-dhaqankeeda weerarkii London (SAWIRO)

Qolyaha Islaamka neceb ayaa baraha bulshada waxa ay ku “foorjeeyeen” habdhaqanka gabar soomaaliyeed taas oo soo martay daqiiqado kaddib buundadii uu weerarka ka dhacay maalinimadii Arbacada, waxaana ay ku sheegeen mid aan dan iyo xaajo ka laheyn waxa dhacay in dadka dhaawaca ah ee dhulka yaalla.

Gabadhan ayaa waxaa ay ku mashquulsan tahay taleefankeeda gacanta, mana u muuqato mid dareen gaar ah siineysa waxa ka dhacay buundada ay ku lugeyneyso, sida ka muuqata.

Mid ka mid ah sawirrada waxa ay gabadhan gacanteeda bidixda ah ku qabsaneynaa dhafoorka taas u muuqan karta in ay dareensan tahay waxa dhacay balse aysan xamili karin qeylada iyo jahwareerka goobta ka taagan.

Ma ahan gabadhan oo keliya dadka aan dareenka la qeybsan kuwa ku dhaawacmay weerarka argagixiso ee lala beegtay baarlamaanka Ingriiska, balse waxa iyada far fiiqan ka dhigay waa gabar muslim ah oo hadana xijaaban.

Ninkan ayaa la mid ah gabadha soomaaliyeed, waxaana uu isna ku mashquulsan yahay taleefankiisa, mana u muuqato in uu isna dareen siinayo dadka dhulka yaala ee la “caawinayo”.

Qolooyinka internetka wax ku dhaleeceya ayaa waxa ay qorayeen in “muslimku leynayo gaalada” hadana dhaawacyadooda ku dul sheekeysanaya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Cabduqaadir cali says:

    Xaqiiqdii aad ayey cabsikaga muuqataa armaa adiga ay lugaha kula gashaa naxariis xumo kuma ogi gabdhaha somaliyed lakiin waxa dhab ah oo meesha ka muuqato ayaa islam naceeb UK dadkoda la nool kalsooni ha galiyaan bini’adannimada ayaa ku qasbay inaad gargar sameysid lakin haddiba adigaa iyeelay la dhayo anigu maxan sameen kara

  2. maxamed somali says:

    sheekada gaalada social media nac nacdooda waaye ku saleeysan muslim naceeybka ah,wallaashay wax ay u muuqtaa gabar murugeeysan shocna haya,mararkaa oo kalana dadkaagi ayad waceeysaa oood la wadaagaysaa waxa jira,waa wax caadi ah.




wararkii ugu danbeeyay