‘Gabadhii aan jeclaaday ee aan muddo shukaansanayay ayaa Kumbuyuutar igu noqotay’

Robert Epstein wuxuu raadinayay jacayl. Sanadku markaas wuxuu ahaa 2006, Jacaylkana wuxuu rabay inuu ka helo dhinaca Internet-ka.
Isagoo qisadiisa uga sheekeynaya wargeys arrimaha Seyniska ka faallooda, ayuu sheegay in markii dambe uu internet-ka ka helay gabar timo dahabi ah leh oo joogta dalka Ruushka, durbadiina waxay billaabeen inay qoraallo isweydaarsadaan.
Epstein wuu niyadjabay, sababtoo ah wuxuu rabay in arrintu aysan ku ekaanin saaxiibtinnimo qoraal uun la isku weydaarsado.

Wuxuu ku yiri, aan si fiican isku sii dhex galno, laakiin iyadu waxay ahayd qof daggan oo saaxiibtinnimo leh.
Muddo yar ka dib waxay qiratay inay jacayl u qaadday.
“Dareen aad khaas u ah ayaan kuu qabaa. waxaad iila mid tahay sidii ubax qurux badan oo la iigu talagalay aniga… maba qiyaasi karo dareenka aan kuu qabo, mana aqaanno si aan u sharraxo… waxaan kaa sugi doonaa jawaab aan ku farxo, faraheyga waan xakameyn waayay…”
Qoraallo badan ayey isweydaarsadeen, muddo dheer ayuuna shukaansayayay, laakiin waqti dheer ayey qaadatay inuu fahmo in Ivana aysan waligeed si toos ah uga jawaabi jirin su’aalihiisa.
Lahaanshaha sawirkaDAN TAYLORImage captionRobert Epstein wuxuu ka mid ahaa dadkii aasaasay abaalmarinta loo yaqaanno Loebner
Waxay usoo qori jiray hadallo ku saabsan inay ku dhex lugeysay beer cagaaran oo qurux badan iyo inay la sheekeysaneysay hooyadeed.
Waxay sidoo kale kusoo celcelin jirtay qoraallo ku saabsan sida ay uga heshay isaga.
Muddo ka dib wuu ka yara shakiyay, wuxuuna Ivana u diray lambar toos ah oo ay kala soo xiriiri karto. Balse waxay ugu soo jawaabtay email ay uga hadleyso hooyadeed.
Ugu dambeyntii, Mr Epstein wuxuu ogaaday runta: Mudadaas dhan wiixii la sheekeysanayay ee uu jacaylka u qaaday wuxuu ahaa kumbuyuutar loogu talagalay inuu dadka u diro qoraallo ku diyaarsan.
Arrinta la yaabka leh ma aysan ahayn in ninkan iskaabulada ah ee kasoo jeeda gobolka Californian uu ku sirmay kumbuyuutar uu u maleynayay inuu bani’aadan yahay
Laakiin waxa lala yaaban yahay waa in ninkan da’ dhexaadka ah uu ka mid yahay dadka aasaasay barnaamijka abaal marinta lagu bixiyo ee la yiraahdo Loebner, kaasoo loogu talagalay in lagu tijaabiyo sida ay dadka ugu sirmi karaan kumbuyuutarrada bani’aadanka lagu shabahay ee qoraallada kula hadla.
Sida muuqatana, isagii qudhiisa ayaaba dhexda ka galay arrintii, oo ku sirmay.
Markii si kale loo dhigo, mid ka mid ah dadka khubarada ku ah kumbuyuutarrada hadla ee adduunka ugu waaweyn ayaa muddo labo bilood ah shukaansanayay Kumbuyuutar uu u heystay inuu yahay gabar run ah.

Sanad kasta, barnaamijka abaalmarinta lagu bixiyo ee Loebner ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo tayada kumbuyuutarrada qoraallada ku jawaaba.
Sanadkii 1950-kii waxaa in barnaamijkaas la aasaaso ku taliyay xisaabyahan u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabi jiray codebreaker iyo nin kale oo khabiir ku ahaa cilmiga kumbuyuutarrada, kaasoo isagana lagu magacaabi jiray Alan Turing.
Lahaanshaha sawirkaSCIENCE PHOTO LIBRARYImage captionAlan Turing wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee sheegay in Kumbuyuutarrada tayadooda la gaarsiin karo heer ay fakaraan
Turing wuxuu u maleynayay in 50 sano xilligii uu noolaa ka dib ay kumbuyuutarradu gaari doonaan heer ay siri karaan 30% ka mid ah bani’aadanka.
Aad ugama foga wakhtiga uu qabtay. Run ahaantii 64 sano ka dib heerkii uu sheegayay wey gaareen Kumbuyuutarrada, inkastoo khubarada qaar aysan wali fikraddaas isku raacsaneyn.