Gabadh Ruush Ah oo u Dhimatay La Qabsigeeda Xooggan ee Taleefoonkeeda Smartphone-ka (Muuqaal)

Warbaahinta Ruushka waxaa aad looga hadal hayaa qisada gabar u geeriyootay qabatinkeeda saa’idka ah ee ay la qabsatay Mobilekeeda Smarts Phoneka ah oo aaney daqiiqadna moogaan jirin.
Sida ay warbaahintu sheegeen, Yafgiiniya Sholiyaatfaa oo 26 jir ah isla markaana dagganeyd magaalada Kiiroof ee dalka Ruusha ayaa dhimatay, kadib markii ay koronto qabsatay iyadoo masqusha ku jirta.

Gabadh Ruush u Dhalatay oo U Geeriyootay La Qabsigeeda Xooggan ee Daqiiqadna aaney Moogaan Karin Mobile-ka Smarts Phone.
Gabadh Ruush u Dhalatay oo U Geeriyootay La Qabsigeeda Xooggan ee Daqiiqadna aaney Moogaan Karin Mobile-ka Smarts Phone.
Posted by Goobjoog on Friday, 27 September 2019

Baaritaannadii la sameeyay ayaa lagu ogaaday in gabadhani ay korontada qabsatay xilli iyadoo masqusha ku jirta ay Isticmaaleysay mobilekeeda Smartska ah oo Korontada ku xiriirsan isla markaana  jaarjar ku jira.
Qaraabada gabadhan ayaa sheegtay in nolol farxad leh ay ku jirtay oo ay jeclayd iney sawirato Xayawaanka iyo caruurta, sidaa darteed; meel kasta oo ay aaddo mobilekeedu kama aanuu hari jiriin, xilli kastana sawirro ayey saari jirtay baraha bulshada.