Gaas,Shariif Xasan iyo Xaaf Oo Deegaanadooda Ku Noqday & Kan HirShabelle Oo Xamar Tegay

Madaxda Dawlada Gobolleedyada Soomaaliya Ee Ka Qeyb galay Shirkii Kismaayo Ka dhacay ayaa Maanta dib ugu laabtay Deegaanadooda.

Hadii aan ku horeeno Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka degay Magaalada Baydhabo oo Si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Shaati guduud.

Waxa sidaas si la mid ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf waxa lagu soo dhaweeyey Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Ah Ee Galmudug.

Waxa uuna sheegay in Shirkii Kismaayo kaga qeyb galay uu ahaa mid natiijo lagu mideysnaa ay kasoo baxday oo ay dadka iyo deegaanka faa’iido ka heli doonaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa Boosaaso Diyaaradii waday ka dejisey iyadoo dad badan ay garoonka kusoo dhaweeyeen.

Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare Siraaji ayaa Jowhar meeshii laga sugayey ka degay Muqdisho taasi oo ka duwaneyd Madaxdii kale Ee Kismaayo kasoo wada kicitimeen oo Deegaanada Maamuladooda ku noqday.

Dawada dhexe Ee Soomaaliya ayaa hadda isku dayeysa sidii wada xaajoog ula geli laheyd Madaxda Maamul gobolleedyada oo wax tabasho ay kala dhaxeyso.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)