Gaari Laga Soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa iyo Ragii Watay oo lagu Qabtay Mudug+Sawirro

Ciidamada Amaanka Gobolka Mudug ee dowladda Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari xamuul ah oo siday waxyaabaha Qarxa iyo raggii watay, waxaana lagu qabtay deegaanka Beyra ee Gobolka Mudug.

Saraakiil ka Tirsan Laamaha Amaanka Gobolka Mudug ee dowladd Gobolka Puntland ayaa sheegay in xogta gaarigaan la hayay islamarkaana uu ka yimid dhanka Gobolka Dhexe ee Soomaliya la doonayay in lagu waxyeelo shacabka Gobolka Mudug.

Hay’adda amniga gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in gaariga la qabtay ay la socdeen 4-nin oo loo malaynayo in ay ka tirsan yihin Al-shabaab inkastoo wali baaritaano lagu hayo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)