Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa iyo dadkii waday oo gacanta ugalay ciidamada DF

Wararka naga soo gaaraya magaaladda Caabud Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas lagu qabtay gaari nooca dadweynaha ah kaas oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Gaarigan oo noociisu yahay Hoomey isla markaana laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka magaaladda Caabud Waaq sida ay saraakiisha amaanka sheegeen.

Sargaal uhadlay ciidamada Galmudug ee howlgalkaas fuliyay ayaa sheegay in gaarigan ay qabteen xili uu marayay meel udhaxeysa Caabud Waaq iyo deegaanka Xanan Buuro.

Labo qof oo waday gaarigaas lana maleynayo iney ismiidaamin ku fulin lahaayeen ayaa sidoo kale gacanta lagu dhigay.

Inkastoo aan la ogeyn hala loo waday qaraxas hadana saraakiisha amaanka ayaa sheegay in la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay