Gaalkacyo oo Ku Waabariisatay Xaalada aan laga fileyn & Shacab ka carooday

Sida ay sheegayaan wararka waxaa saakay Magaalada Gaalkacyo lagu arkay Maleeshiyaad hubeysan oo dhufeysy isugu jira.

Maleeshiyaadkan ayaa ah kuwo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo dib u soo dhigay Dhufeesyadii Maalintiikhamiista ay qaadeen Shacabka labada dhinac.

Shacabka ayaana arrintan si aad ah uga carooday iyagoona sheegay in aysan dooneeynin in markale Magaalada Gaalkacyo ay kala xiranto oo colaad sokeeye aysan dooneeynin.

Waxaana saakay dhamaan xaninban isku socodka dadka iyo gaadiidka labada dhinac ee Magaalada oo labadii maalin ee la soo dhaafay u muuqday Mid soo hagaagaya.

lama oga talaabada ay qaadi doonaan shacabka Magaalada Gaalkacyo oo horey iyagu u burburiyay Difaacyada Maleeshiyaadka Labada dhinac ay ku la’haayeen Xaafadaha kala qeybiya gaalkacyo.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)