Gaadiid dagaal oo sheekh shaakir looga qabsaday dagaalka maanta Guriceel

Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka gal gaduud ayaa sheegaya in ciidamada Dawlada iyo kuwa Galmudug ay kusoo bandhigeen degmadaasi gaadiid dagaal ay ku qabsadeen dagaalkii saaka dhacay.

Gaadiidka ay soo sawirreen oo cabdi bile qori saaran yahay ku jiro ayey dawladu sheegtay inuu leeyahay sheekh Maxamed Shaakir cali xasan waloow xogtaasi la ogeyn xaqiiqdeeda.

Sheekh Shaakir ayaa la sheegay in uu dalbaday gurmad dheeraad ah iyadoo xabada ay weli ka dhaceyso dhinaca Aagga Jaamacada.

Dhinaca kale waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ciidamada Dawlada iyo kuwa Galmudug iskaabaya ay ku doonayaan inay Jaamacada kaga saaraan Ahlusuna si loo soo afjaro.