Furaha Soomaaliya Ee Isgaarsiinta +252 Oo Soomaaliland Ay Ballan Qaaday Inay Ka Guureyso

Maamulka Soomaaliland ayaa ku howlan sidii uu uga wareegi lahaa Isticmaalka Furaha Isgaarsiinta Soomaaliya Ee +252 iyagoo hadda raba qorshe Cusub inuu u hirgelo.

Waxay Soomaaliland hore usheegtay inay ka go’day Soomaaliya Sanadkii 1991-kii sidaa awgeedna ay derisnimo iyo mid walaalnimo toona aysan aheyn wax dhex yaalla.

Maamulka La magac baxay Soomaaliland ayaan weli helin wax ictiraaf Caalami ah balse waxay wadaan sidii ay ku gaari lahaayeen wadadii ay Jabuuti martay oo kale oo Waddan La aqoonsado ay doonayaan.

Wasiirka Boostaha iyo Isgaarsiinta Soomaaliland Cabdi Weli C/llaahi Suufi oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay inay ka digo roganayaan isticmaalka Furaha Soomaaliya Ee Isgaarsiinteeda.

Soomaaliland ma aysan soo bandhigin waxay ku badeleyso +252 oo hadda ay adeegsato islamarkaana ay dhawaan soo bandhigayaan sida ay warka udhigeen.

Weli wax war ah kama soo bixin Wasaarada Boostaha iyo Isgaarsiinta Dawlada Dhexe gaar ahaan Wasiirka Wasaaradaasi Engineer Canshuur uu kaga jawaab celinayo Qorshahaasi ay damacsan tahay Soomaaliland.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay