FULL DAAWO: RW Itoobiya oo si yaab leh uga hadlay Arimaha Soomaaliya, Doorashada iyo S/land inuu goosto ?

Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa Waraysigii ugu Horeeyay Wuxuu siiyey Tv-ga Universal, Wuxuuna Ugu Horayn siwayn uga hadlay xaalada Itoobiya, Maamulka Soomaalida Itoobiya, Kacdoonadii ka dhacay Itoobiya, Xiisadaha kala Dhexeeya Masar iyo Eleteriya, Xaalada Geeska Afrika iyo Doorashadii Maraykanka isagoo ugu baaqay inayna Faro-gelin Arimaha Dalalka kale.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Xaalada Soomaaliya iyo Arimaha Doorashooyinka, Wuxuuna sheegay in Si cadaalad ah lagu doortay Baarlamaanka Soomaaliya, oo dooran doona Madaxwaynaha, Wuxuuna sheegay inay dhibaatooyinkii hore kasoo baxayso Soomaaliya, Isagoo si wayn u amaanay Dadka Soomaaliyeed, Wuxuuna ka hadlay Xidhiidhka ay la leeyihiin Musharixiinta u taagan madaxwaynaha Soomaaliya.

Waxaa wax laga waydiiyey Sida ay ula Macaamilaan Maamulka Somaliland, Wuxuuna sheegay inay u arkaan Maamul ka tirsan Soomaaliya, ” Somaliland as Administration and Somalia as a Nation” Sidoo kalana wuxuu sheegay inuu kala xidhiidh dhinaca ganacsiga ah iyo Amniga, maal gelinta lagu samaynayo Dekedda Berbera ayuu ku sheegay inuu yahay Hanti Soomaaliya meel u taala ” Dekedda Berbera haddi la Ballaadhiyo xitaa waa hay’ad meel u taalla Somalia.” ayuu yidhi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARAYSIGA

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan wax Awood ah u lahayn inay ka hadlaan Kala Goynta Soomaaliya, oo Xataa Beesha Caalamku aysan ka hadli karin, Balse ay taasi u taalo Soomaalida, Isagoona ka hadlay Muhiimada Midnimadu ay leedahay ayaa wuxuu yidhi ” Waxaan jeclaan lahaa in Ethiopia, Somalia iyo Suudaan aynu hal dal Noqono, iska daa in lasii Kala qeyb samee, Waxaan Rumays nahay Inaysan Somaliland dhinac uga Bixin Soomaaliya” ayuu yidhi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)