FIIRI: Meydadka Saddex Qof oo la Gowracay oo la helay

Wararka ka imaanaya Degaanada Puntland ayaa sheegaya in Meydadka Saddex Qof oo Qoorta laga jaray Saakay lagu Arkay Tuulada Karin oo u dhaw Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Meydadka Saddexda Ruux ee la Gowracay la soo dhigay Tuulada Karin,waxaana loo Maleynayaa in ay yihiin Dadkii ay dhawaan Gaariga kala tageen Maleeshiyaadka Taabacsan Kooxda Daacish ee Puntland ka Dagaalanta.

Dadka ku Nool Tuulada Karin markii ay Arkeen Dhacdadaan ayaa waxaa soo Foodsaaray Wal wal aad u Xooggan.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland weli kama hadlin Dhacdadaan Foosha Xun ee ka dhacday Gobolka Bari ee Puntland.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay