FIIDSOOH: Howlgalkii Xasilinta Xamar Oo Saameeyey Dhiibistii C/kiriin Qalbi Dhagax

Ilaa Bishii May lagana soo gaarayey Bisha Augusto waxay Xamar aheyd mid amnigeeda aad loo adkeeyey si fiicana ushaqeeyeen Ciidanka Xasilinta Xamar.

Laamaha Amniga ayaa kalsooni badan ay dhexmartay iyo Wada shaqeyn joogto ah waxaana taasi bar bar socotay Mushaar Ciidanka howsha hayey lasiinayey.

Balse wixii ka dambeeyey Bishii hore Amni daradii ayaa Xamar kusoo laabatay Qaraxyo iyo Dilal Qorsheysan ayaana soo laabtay,Mas’uuliyiina la beegsaday.

Howlgalka Xasilinta Xamar ayaa waxaa soo agaasimay ama lahaa fikradii lagu Aas aasay R/wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoo Laamaha Amnigu heegan badan galeen Bilahaasi.

Waxaa La fashiliyey Xilliyadaasi Amniga La xaqiijinayey Weeraro Al Shabaab soo maleegi rabeen oo gaadiid qaraxyo ay ku jireen balse hadda wixii waa is badeleen.

Dhamaadka Bishii Hore waxaa Gaalkacyo laga soo qabtay C/kiriin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax kaasi oo Muqdisho markii la keenay loo dhiibay Dawlada Itoobiya oo muddo Sanado badan ah raadineysay.

Siyaasad Cakirn ayaa ka dhalatay dhiibista Qalbi dhagax oo khilaaf soo kala dhex gelisey Mas’uuliyiinta Dawlada Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in Shabaab ay ka faa’iideysteen Khilaafkaasi Hay’adaha Dawlada qaarkood udhaxeeya sii laba jibaarayna weeraradii Argagaxisanimo ay fulin jireen.

Sabtidii iyo Axadii Todobaadkaan waxaa Muqdisho meelo ka mid ah ka dhacay Dilal Qorsheysan oo Mas’uuliyiin iyo Shacab loo geystay.

Isniintii Shalayna waxaa Lagu qarxiyey Gaari Wadada Laamiga Maka Al Mukamarama meel udhaw Isgoyska Dabka,taasi oo dad badan ay kusugnaayeen goobtaasi waxyeeladana ay aad uyareyd.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Magaalada Muqdisho ay Amnigeeda wax iska badaleen oo Dilal iyo Qaraxyo ay kusoo bateen Muqdisho.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)