FIIDSOOH: Farmaajo Oo Gobolka Gal gaduud Hal Meel Ay Diirada Usaaran Tahay iyo Qorshaha Ugu Jiro

Sida la filayo Deegaanada Galmudug markii uu tego Madaxweyne Farmaajo waxaa la sheegay in uu meelo gaar ah diirada siiranayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa waxa uu aad uxiisaneynayaa Deegaan ahaan Degmada Caabud Waaq inuu wakhti fiican la qaato dadka deggan.

Waxa la sheegay in Reer ahaan Dadkiisa ay meeshaasi ubadan yihiin waana mida keentay inuu uduur xulo Socdaalkiisa Gal gaduud inuu ahmiyad siiyo Caabud waaq.

Warar ay Baahin heshay ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan Caabud waaq ay iyaguna udiyaar noqdeen Soo dhaweynta Madaxweyne farmaajo oo dhankooda kusoo foogan maalamaha soo aadan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa kaga sii hormaraya Gaalkacyo Madaxweyne Farmaajo si halkaasi uu ugu soo dhaweeyo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay