Farmaajo Oo Galabta Ka Yaabsaday Sh.Umal Iyo Culimadii Kale Kadib Kulan Uu La Qaatay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa waxa uu galabta kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Culimada Soomaaliyeed ee Dalka maanta yimid.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Gudiga Culimada Ee ka kala yimid Dalalka Kenya iyo Ugandha ka dalbaday inay kala qeyb qaataan Dagaalka lala gelayo Shabaabk.

Waxa uu Hogaamiyaha Soomaaliya sheegay in dadka laga rabo in Culimada ay diiniyan wacyi geliyaan oo sida khaldan diinta loogu fasirayo kaga celinayaan wadada loo tilmaamay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dalbaday inay sii laba jibaaraan is garab taaga Soomaalida,iyadoo la leeyahay waxa uu kaga mahad celiyey Gudigaasi Lacagtii ay keeneen ee loogu yaboohay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay weerarkii bahalnimada ahaa Ee ka dhacay Soobe bil ka hor maanta oo kale 14-kii Oct 2017.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)