Farmaajo, Abiy Axmed Madaxweynaha Eritrea oo shir Sedax Geesood ah kaga furmaya Asmara…

Wafdi uu hogaaminayo Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa tagay dalka Eritrea, Waxaana halkaasi uu jooji doonaa mudo labo maalin ah.

Madaxweynaha Eritrea iyo R/Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xiriirka u dhexeeya labada dowladood.

Sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in dalka Eritrea uu ka furmi doono Shir sedex geesood ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea.

War qoraal ah oo soo dhigay bartiisa Twitter Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea ayaa sheegay in R/Wasaaraha Itoobiya uu soo gaaray dalka Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here