Home SPORTS FADEEXAD: Laacibka Xulka Dalka Ingiriiska Delle Alli Oo Kaamiradu Qabatay Isagoo Aflagaadeenaya…

FADEEXAD: Laacibka Xulka Dalka Ingiriiska Delle Alli Oo Kaamiradu Qabatay Isagoo Aflagaadeenaya…

30
0

Kaamirada ayaa qabatay isagoo Farta Dhexe Ee Gacantiisa Middig utaagaya kuna aflagaadeenaya Laacibka Ingiriiska Delle Alli Xiddig katirsan Xulka Slovakia.

Kadib kulan dhexmaray Kooxaha Qaranka England iyo Slovakia oo ay guusha ku raacday Ingiriiska Kulankaasi ayaa Delle Alli uu sameeyey Fal Anshax xumo ah.

Xiddiga Kooxda Tottenham Alli Ayaa waxa uu fartiisa dhexe isagoo Caay ka waday utaagay Difaacii hore Naadiga Liverpool iyo Xulka Qaranka Slovakia Martin Skrtel.

Kubada ayey isku qabteen labada Laacib balse Kaamirada ayaa laga Arkay isagoo fartiisa dhexe Ee Gacanta midig taagaya Delle Alli oo laga yaabo inuu Ganaax ku muteysto.

Martin Skrtel ayaa hadda katirsan Kooxda Fenerbahçe S.K. Ee Dalka Turkiga waana 37 Sano Jir Weli u ciyaaraya sidii wiil dhalinyaro ah.

Qoraal uu soo dhigay  Bartiisa Twitter-ka Delle Alli waxa uu raalin gelin ka bixiyey Falkii Anshax xumada ahaa uu sameeyey kulana kacay Difaaca Martin Skrtel.

Waxaa Warbixintaan Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here