Faah faahino Cususb: Dagaal La isku Habeensaday Oo Ka Dhacay Duleedka Balcad Sh/Dhexe

Xaalada ayaa iminka ah mid yara deggan kadib Salaadii Cishe oo xaaladu ay xabadii la maqlayey ay istaagtay sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Inta udhaxeysa Qalimoow iyo Balcad ayaana dagaal xoogan uu casirkii kadib uu ka bilowday kadib weerar lagu qaaday Ciidanka Dawlada Soomaaliya.

Wararka waxay sheegayaan in dagaalkaasi uu maqribnimadii soo xoogeystay balse ay xaaladu hadda tahay mid yara deggan,khasaaro xoogana uu jiro.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay weerarkaan waxay caawa soo qoreen in 11 Askari ay ku dileen Dagaalkii ka dhacay Duleedka Degmada Balcad agagaarka Haan sheekh iyo Gololeey Daa’uud.

Meydadka Askar la dilay ayaa la sheegay in caawa fiidkii la geeyey Saldhiga Degmada Balcad,waxaana wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ay noqotay mid ay dagaalo kusoo laab laabteen.

Al Shabaab ayaa si maldahan usheegay inay ka mamnuuceen Mas’uuliyiinta Dawlada wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo waayahaan dambe ay weeraro xoogan ay ka dhacayeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay