Faah faahin: Weerar Culus oo Shabaab Ku Qaadeen Dalka Kenya+Warar Sheegaya in…

Waxaa Dagaalyahano katirsan Ururka Al Shabaab ay weerar Culus ku qaadeen Fariisin Ciidanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Lamu Ee Gobolka Xeebta Ah.

Weerarka waxa uu dhacay Saqdii dhexe Ee Xalay waxaana la beegsaday Xero Ciidanka Meliteriga Kenya ku leeyihiin Deegaanka Lamu halkaasi oo dagaal fool ka fool ah uu ka dhacay.

Saldhiga La weeraray Ee G.S.U ayaa ku yaalla halka loo yaqaano Deegaanka Makowe oo hoosyimaada Lamu,waxaana Saraakiisha Amniga Ee Xerada joogay sheegeen in mar keliya ka war heleen rasaas sida roobkii oo kale ugu soo daatay.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa waxay sheegeen Saaka oo Talaado ah in weerarkaasi lagu dilay tiro katirsan Ciidanka Kenya ee Xeradaasi kusugnaa balse si rasmi ah looma hayo cadadka Askarta waxyeelada soo gaartay.

Warar ayaa sheegaya in ciidanka Amniga ay ka shakiyeen ka hor inta rasaasta lagu bilaabin Fariisintooda oo ay dhufeysyada gala xilli ay isku diyaarinayeen dagaalka uu qabsaday.

Idaacada Al Shabaab ayaa waxay baahisey in dagaalkaasi Hub iyo Saanado kale kusoo qaniimeysteen waa sida ay warka udhigeene,meesha lagu laayey Ciidan badan oo Kenyaan ah.

Al Shabaab ayaa sii kordhiyey weerarada ay ka fulinayaan Kenya bilihii udambeeyey xilli bisha soo socota la filayo Kenya inay ka dhacdo Doorashada guud Ee Dalkaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)