Home WARARKA Faah faahin Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho//Shabaab Oo Sheegtay iyo Meydad La Arkay...

Faah faahin Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho//Shabaab Oo Sheegtay iyo Meydad La Arkay Iyagoo…

2
0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Xoogan oo maanta gelinkii hore ka dhacay Wadada Warshadaha Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu Beegsaday Gaari Cabdi bile ah oo ay wateen Ciidan katirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya oo marayey inta udhaxeysa Kuliyada Jaalle Siyaad iyo Ex Control Afgooye.

Waxa Qaraxaas xogta aan ku helnay markii hore in 3 askari ku dhaawacmeen oo loola Cararay Goobaha Caafimaadka balse Al Shabaab ayaa bixiyey Xog ka duwan intaasi.

Waxay Shabaab kusoo daabaceen Baraha ay Wararka ku faafsadaan Ee Internet-ka in Qaraxa uu haleelay Gaari Cabdi bile ah oo sabab ka dhigtay in gaariga rogmado Askartii la socotana ay ku Le’daan sida ay warka udhigeen.

Ilaa hadda ma heyno warka madax banaan inta ay Shabaab sheegeen waxaana la sheegayaa in Ciidan Waxyeelo soo gaartay la arkayey Qaraxa markii uu dhacay oo Ciidankii la beegsaday iyagoo dhiig ka socda halkaasi gaadiid laga saarayey.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here