Faah faahin Dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab, Ogow khasaaraha

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Culus oo xalay Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Degaanka Muuri ayaa waxaa uu ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana Al-Shabaab ay kasoo weerareen labo Jiho.

Maxamed Ciise Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay iska difaaceen Weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale Beeniyay in Al-Shabaab ay la wareegeen degaanka Muuri, waxaana uu sheegay in halkaasi ay joogaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayuu sidoo kale sheegay in ay wadaan howlgallo ay ku doonayaan in ay Al-Shabaab kaga saaraan gobolka Shabeelaha Hoose.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)