FAAH FAAHIN: Askari Wasiir Ilaalo U Ahaa oo Qori La Baxsaday Kadibna Taariikh Ay Qabsatay

Wararka Baahin ay Helayso waxay sheegayaan in Askari katirsanaa Ciidanka Maamulka Puntland oo Qori la baxsaday ayaa gacanta lagu soo dhigay.

Askarigaan ayaa la sheegayaa inuu Ilaalo u  ahaan jiray Mid ka mid ah Wasiiradii Xilka laga qaaday Dhawaan Maamulka Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa isku howlay sidii ay usoo qaban lahaayene Askarigaasi oo qoriga la cararay kana tagey Magaalada Garowe Ee Caasimada Puntland.

Meelaha Qaar waxaa lagu dhejiyey Sawirada askarigaasi si qofkii arka uu laamaha Amniga ugu soo sheego loona qabto Qorigana looga qaado.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Magaalada Qardho lagu qabtay Askarigii la baxsaday Qoriga islamarkaana la xiray.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)