FAAH FAAHIN: 19 Qof Oo Ku Dhintay Doon Ay La Socdeen Oo Ku Degtay Webiga Bartankiisa

Warbaahinta ayaa waxay daabaceen War kusaabsan Doon ku quustay Webi Wuqooyiga Hindiya Mara oo dad ay la socdeena Ku dhinteen Doonidaasi.

Inta la xaqiijiyey 19 Qof oo Rakaab ahaa ayaa doonta la socday waxaana la sheegay inay dhinteen markii doonta ay kiiday Ama ay quustay.

RIIX HALKAAN SI AAD FAAH FAAHIN BADAN UGA HESHAY DOONTAASI

Doonta ayaa waxaa la socday Dad Rakaab ah waxaana kujiray Shaqaale Dhinaca Dhismaha Ahaa,sida uu sheegay Ram Kumar oo uhadlay Booliska Dalka Hindiya.

Inkabadan 60 Qof ayaa la socotay Doonta oo Saaka ku degtay Magaalada Baghpat Ee Gobolka Uttar Pradesh,waxaana jira dad la weysan yahay Raq iyo Ruux oo doonta la socday markii degeysay bartanka Webiga.

10 ka mid ah Durba waa la helay Meydkooda,Markii dambe waxaa iyana Biyaha Webiga oo dul sabeenaya laga soo qaaday 19 Qof taasi oo ka dhigan in 29 Dhimashada gaartay halka 31 Qof la weysan yahay Nolol iyo Geeri.

Waxaa Warbixintaan Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)