Erdoga iyo Trump oo khadka Teleefanka uga wada hadlay qaabka loo shacin lahaa natiijada dilka Jamal Khashoggi

Wakaalada wararka Turkiga ee Anadol ayaa sheegtay in Madaxweynaha dalkaasi Rajap Dayip Erdogan uu khadka Teleefanka saqdii dhexe ee xalay kula hadlay dhigiisa dalka Mareykanka Trump.

Labada Hogaamiye ayaa kawada hadlay qadiyada dilka Jamal Khashoggi, waxa ayna sheegen in la cadeeyo xogaha ku aadan qaabka loo dilay wariyaha.

Hogaamiye Trump oo doonaayay inuu xog badan ka helo dhageysiga codadka iyo cadeymaha dilka Jamal Khashoggi ayaa dhigiisa Turkiga ka dalbaday inaan lasii xiisadeyn arrinta dilka.

Trump waxa uu Erdogan u sheegay in dowladiisa ay dhab ka tahay wax ka qabashada kiiska murugada badan dhaliyay ee Jamal Khashoggi, balse la doonayo in qaab qaboob loo wajaho.

Labada Hogaamiye waxa ay sidoo kale kawada hadleen in la wanaajiyo xiriirka labada dal oo mugdi soo galay, kadib markii dowlada Ankara ay xirtay Baadari Mareykan ah oo markii danbe lasii daayay.

Dhinaca kale, wadahadalka labada Hogaamiye ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan Trump uu ka caga jiiday in cunaqabateyn lagu soo rogo dowlada Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here