DEG DEG:Taageerayaashii Farmaajo ee Somaliland oo Hargeysa calanka Somalia ka dhex taagay & xabsiyada oo buuxsaday + Siilaanyo oo….

Wararka Warsidaha baahin.net uu haatan ka helayo magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka la magac baxay Somaliland ayaa sheegaya in taageerayaasha uu ku lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo deegaanada Waqooyi ay caawa ka dhex taageen gudaha magaalada Hargeysa calanka Soomaaliya ee buluuga ah, kadib isu soo bax balaaran oo ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa.

Dabaal degyadani lagu taageerayo Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale weli kasii socdaa qaybo badan oo kamid ah magaalada Hargeysa, waxaana madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu amar ku bixiyey in dhamaan xabsiyada la dhigo cid walba oo taageero u muujisa Mr. Farmaajo iyo dowladda Soomaaliya.

Ku dhowaad ilaa 300 oo qof ayaa caawa xabsiyada magaalada Hargeysa ay dhigeen ciidamada Booliska Somaliland, kadib markii ay kusoo qab qabteen munaasibado lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale gacantooda ku baxsaday in ka badan boqolaal qof oo kale.

Jidadka waa weyn ee magaalada Hargeysa ayaa caawa inta badan xidhan, waxaana weli ka socda magaalada Hargeysa gudaheeda isu soo baxyada lagu taageerayo madaxweynaha is badal doonka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halka ciidamada Booliska Somaliland ay weli wadaan raaf xoogan oo ay ku hayaan dhalinyarada iyo shacabka taageerada u muujinaya madaxweyne Farmaajo.

Dhankale magaalooyin badan oo uu ka arimiyo maamulka Somaliland ayaa caawa gabi ahaanba xidhan yihiin goobahooda ganacsigu iyo sidoo kale isu socodka kadib isu soo baxyo xoogan oo gil gilay.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa kamid ah magaalooyinka inta badan caawa ay ka dhaceen isu soo baxyada lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo, waxaana shacabka magaalada Laascaanood ay iskugu soo baxeen dhamaanba wadadooyinka waa weyn ee magaalada halkaas oo ay kusoo bandhigeen ciyaaro iyo damaashaadyo ay ku taageerayaan madaxweyne Farmaajo.

Calanka Soomaaliya ee buluuga ah ayaa sidoo kale isna ka maqnayn damaashaadyadaasi ay shacabku ku dhex marayeen guud ahaanba magaalada Laascaanood, waxaana sidoo kale laga maqlayaa magaalada Laascaanood dhawaqa rasaasta iyo bululaydka noocyadiisa kala duwan oo ay u ridayaan farxad darteed.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Max says:

    Hhhhh ala been badana si aad ah ayan ugu qoslay maxa tiri calanka somali aya hargeisa yaala , ala maxd jeceshiin sidaa mid dhacysa maha waar dadka beenta ka daya , hargeisa jooga oo wllhi laba qof oo hadal haysa ma jirtee .

  2. sheekh isxaaq says:

    beenalayaal diintoda wasaad tihiin qudhun majeertenaad tihin wararka bentaa naga dhaafa ilma sino