Eey lagu kala iibsaday lacag waali ah iyo sababta ka dambeysa (Sawirro)

Eey la sheegay inuu yahay nooca ilaaliya ama raaca xoolaha Idaha ayaa jabiyay rikoorka eeyga ugu qaalisan caalamka.
Waxaa lagu iibiyay Eeygan 36,000 oo doolar oo ah qiimihii ugu sareeyay ee eey lagu kala iibsado.
Eeygan oo lagu magacaabo Kim ayaa waxaa tababaray Dewi Jenkins oo ku sugan magaalada Talybont, ee u dhaw degmada Aberystwyth ee dalka UK.
Qiimaha eeyda lagu iibsado caadiyan ayaa ah ku dhawaad 2,700 oo dollar, waxaana oo jira 12 bilood lagu iibsaday qaab online ah.