Home WARARKA Duqeyn Diyaaradeed Oo Saraakiil Shabaab Ahaa Lagu Laayey & DF Soomaaliya Oo...

Duqeyn Diyaaradeed Oo Saraakiil Shabaab Ahaa Lagu Laayey & DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay

5
0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Duqeyn diyaaradeed ay Xalay ka dhacday Deegaan ay kusugnaayeen Shabaab.

Tuulada ayaa waxa la sheegay in Xubnaha Shabaab ay joogeen,waxaana lala dhacay dhowr gantaal oo khasaaro inay gaarsiiyeen la aaminsan yahay.

Deegaanka la weeraray ayaa la yiraahdaa Iidoow Jalaad waxaana Maamulka Gobolka Sh/Hoose ay saraakii uhadashay sheegeen in kudhawaad 6 Dagaalame oo Shabaab iyo Saraakiil iskugu jiray la dilay.

C/fitaax Xaaji Cabdulle oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ka hadlay duqeynta isagoo sheegay in Shabaab lagu Xasuuqay.

Wararka waxa intaasi ku darayaan in Xaalada deegaanka Iidoow Jallaad oo hoostaga Wanla weyn in saaka jawiga uu deggan yahay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here