Duqeyn Diyaaradeed Oo Lagu Garaacay Saldhig Ay Saraakiisha Shabaab Joogeen Gobolka…

Warar laga helay Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Saaka Waaberigii Diyaarado Joog hoose ku socday ay duqeyn ka fuliyeen Gobolkaasi meelo ka mid ah.

Duqeynta ayaa waxa lagu beegsaday Saldhig ay Shabaabku ku lahaayeen meel udhaw Deegaanka Diif Ee Xuduuda dhacda Soomaaliya la wadaagto Dalka Kenya.

Deegaanka Diif oo Khamiistii shalay Ay Ururka Al Shabaab la wareegeen ayaa dhowr gantaal la xaqiijiyey inay ku dhaceen saaka,taasi oo warar kala duwan kasoo baxayaan.

Diyaaradaha Duqeynta geystay ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo Dawlada Kenya iska laheyd kana soo kicitimay Xeryaha ay ku leeyihiin dhinaca Xuduuda.

Ilaa hadda si faah faahsan looma oga inta uu la eg yahay Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee Al Shabaab kasoo gaaray Duqeyntaasi.

Waxaa Adag in La helo Xog kusaabsan Dadka deegaanka Diif oo Isgaarsiinta ay ku yar tahay mararka qaarna ay Shabaabku diidaan hawadana laga saaro Isgaarsiinta.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay